Doorka Warbaahinta Xilliyada Masiibooyinka

 (STN-MUQDISHO):-Warbaahinta waxa ay door muhiim ah ka ciyaari kartaa ka qeyb qaadashada howlaha samatabixinta marka ay dhacaan masiibooyin dabiici ah iyo mid aadmigu sameeyay intuba.

Waxa ay macluumaad u gudbiyaan dadweynaha si ay ula socdaan xaaladaha jira ugana fogaadaan dhibaato hore oo ka dhalatay masiibada.

Wacyi galinta ay sameeyaan iyo dadka ehelka u ah oo ay wareystaan ayaa abuuri karta mutadawiciin ka qeyb qaata howlaha gurmadka.

Waxa ay toosh ugu ifin karaan dowladda iyo cid kasta oo howl samatabixin wadaa goobaha ugu daran qasaaraha ka dhashay masiibada.

Waxa ay ku tirtirsiin karaan dowladda in hagaajiso howsha samatabixinta ee socota.

Waxa ay bixin karaan digniino la xiriira saadaasha hawada iyaga oo macluumaadkaas ka helaya hey’daha ku shaqada leh.

By: Mohamed Ibrahim Nur Moalimuu– Xoghaya Guud Ee Ururuka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.