Khasaaraha Ka Dhashay Duufaanta Ku Dhufatay Deegaano Dhaca Somaliland Oo Sii Kordhay

(STN-MUQDISHO):- Waxaa sii kordhaya Khasaaraha ka dhashay Roobab lixaad leh oo wata Duufaanno iyo Daadad xooggan oo ka da’ay Todobaadkan qaybo ka mid ah Gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya.

War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu sheegay in Roobabkan dabaylaha wata ay saameeyeen Dad gaaraya 669 kun oo Qof, halka ay galaafteen nolosha 80% xoolihii ku dhaqnaa degaanadaas.

Waxaa sidoo kale warkan kasoo baxay Soomaaliland lagu sheegay in 25 Qof ay ku dhinteen Roobabka iyo Duufaannada is wata, 12 Qof na ay ku dhaawacmeen, halka 27 kalana la la’yahay.

Masuuliyiinta Gobollada Xeebta ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya inuu Khasaaruhu intaa ka badan yahay oo ay tirada dhimashadu marayso 29 Qof , halka tiro intaa ka badanna la la’yahay.

Maamulka Soomaaliland ayaa baaq qayla dhaan ah u diray Beesha caalamka iyo Dadka qurba joogta ah, si ay ugu qayb qaataan taakulaynta Dadka ku waxyeelloobay Duufaannada iyo daadadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.