Xarunta Golaha Murtida Iyo Wacyi Gelinta Qaranka Oo Dib Loo Howlgalinayo

(STN-MUQDISHO):- Xarunta Golaha Murtida Iyo Wacyi Gelinta Qaranka oo burbur saneyd tan iyo markii dgaaalada sokeeye ay ka qarxeen gudaha dalka Soomaaiya, ayaa waxa ay aheyd meelaha uu soo gaaray burburka lixaadka leh ee dagaaladu sababeen.

Waxaana Xarunta  Somali National Theatre maanta booqasho ku tagay mas’uuliyiin ka socotay wasaardda Warfaafinta Dowadda Federalka Soomaaliya oo sheegay in golah murtida iyo wacyigalinta ay dib u howl galeeyso kadib sanaddo badan oo aysan shaqayn.

Mas’uuliyiinta booqday waxaa kamid ah Kusimaha Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Xukuumadda faderaalka ah ee Soomaaliya cabdi Raxmaan Iidaan yoonis iyo maareeyaha Tiyatarka, Abwaan Cusmaan Cabdullahi Guure.

Mas’uuliyinta ayaa warbaahinta u sheegay in faanaaniinta Hoboladda Waabari ay shaqadooda dib uga bilaabi doonaan Golaha murtida iyo wacyi galinta, iyagoo xusay inTiyaatarka lagu sameynayo dib u dayactir oo hadda Xafiisyada qaar la howlgeliyay.

Xarunta Golaha Murtida aya mudo badan bur bursanayd waxana haatan muuqanaya in dib u dhis uu ku socdo taasi oo la shegay inuu amray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.