Kooxo Hubyesan Oo Dilay Nin Ka Tirsanaa Ergadii Xildhibaanada Soo Dooratay

(STN-MUQDISHO):_Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Rag hubeysnaa ay gurigiisa ku dhex dileyn mid ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ku soo dooratay Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Raga hubeysnaa ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in  ay gurigiisa ku soo weerareen laba nin oo watey mootada loo yaqaano dhugdhuleyda ka dibna ay dileyn,iyaga oo durba goobta ka baxsaday sida ay dad ku sugan Garbahaareey oo ehel la’ah Marxuumka sheegeen.

Marxuumka la dilay ayaa laba maalin ka hor tegay deegaanka Far Leysaan ee lagu dilay halkaas oo ay deganaayeen qaar ka mid ah qoyskiisa.

Laamaha amniga Gobolka Gedo iyo masuuliyiinta Maamulka Jubbaland weli dilka ninkaasi kama hadlin,waxana xusid mudan in deegaanka Far Leysaan ee uu dilka ka dhacay in aysan ku sugneyn Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Dilkaas ayaa ku soo aadaya xilli Maalin kahor degmada Dharkenley lagu dilay nin la sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya,iyada oo aysan jirin cid loo qabtay dilkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.