Qaar Kamid Ah Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka Oo Muqdisho Soo Gaaray

(STN-MUQDISHO):_Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Maanta Soo gaaray Magaalada Muqdisho, kaddib Safar oo maalma qaatay oo ugu maqnaayeen dalka dibadiisa.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Mudada uu joogay Magaalada Nairobi halkaasi kulamo kula soo qaatay Qaar ka mid ah Ururada Caalamiga ee Daneeya arrimaha Soomaaliya kuwaasi oo ay ka wada hadleen Arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta shaqaalaha Hirshabelle, Dib U dhiska iyo fulinta Mashaariicyo horumarineed oo laga hirgaliyo Deegaanada, iyo

Madaxweynaha ayaa ururka Midowga Yurub Kulan ay wada qaateen ku lafa guray muhiimada Hirshabelle ay u leedahay dhisida iyo tayeynta Ciidamada Boliiska Hirshabelle, xili tababar uu u socdo Dufcadii ugu horeysay Ciidamada Boliiska Hirshabelle, waxaana ay isla garteen in xoogga la saaro ka mira dhalinta xaqiijinta ammaanka iyo tayeynta Ciidanka oo Aasaas u ah sal u dhigida amniga Deegaanada Hirshabelle.

Sidoo Kale Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha ayaa intii uu Magaalada Nairobi ku sugnaa waxaa iyana kulan uu la qaatay hey’adaha Qaramada ee ka shaqeeya arrimaha Bini’adanimada kuwaasi uu si qoto dheer ugala hadlay Baahiyaha dhinaca Bini’aadanimada ee Hirshabelle ka jira, isagoo sharaxaad dheeraad ka siiyay heerka ay gaarsiisantahay fatahaada Wabiga iyo Saameyntiisa.

Maalmaha Soo Socda Ayaa Lagu Wadaa Madaxweyne Waare in uu Gaaro Magaalada Beydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya halkaasi oo kaga qeyb galayo shirka golaha Amniga Qaranka oo uu qorshuhu yahay in uu ka dhaco Magaaladaasi, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Dowlad Goboleedyada dalka  ka jira iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

       

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.