Dhalinyaro  Muddo Dheer Xabsi Ku Soo Qaatay Dalka Kenya Oo Soomaaliya Ku Soo Wajahan

(STN-MUQDISHO):_Dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaaraya ilaa 4 qof oo Xabsi 8 Sano ku qaatay dalka Kenya gaar ahaan  Xaafada Kamiti ee Waqooyiga Magalada Nairobi ayaa lagu wadaa in Muqdisho ay soo gaaraan.

Maxaabiistaas ayaa waxaa shalay booqasho ugu tegay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) si uu ugu kuurgalo Xaaladooda,isla marakaana uu ku wareejiyey lacag iyo Dhar ay uga qeyb qaadanayaan Maalinta Ciidil fidriga.

Qaar ka mid ah Maxaabistaas oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in mudo todobaad kadib ay ku soo wajahan yihiin dalka Soomaaliya,iyaga oo dhameystay Xabsi 8 Sano ah.

Dhinaca kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) ayaa isna sheegay in Afartaan Dhalinyarada Soomaalida ah loo heystay fal la xiriira Burcad badeednimo,isla markaan ay jiraan dhalinyaro kale oo laga sideyn doono Xabsiyada kenya Bisha Agoosto ee soo socota.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxa ay qaar ka mid ah Wadamada Caalamka ay ka soo celisay dhalinyaro Soomaaliyeed oo loo heystay dambiyo kala duwan kuwaas oo qaarkood dhibaatooyin loo geystay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *