Askari Dil Ka Geystay Magaalada Muqdisho Oo Gacanta Lagu Dhigay

(STN-MUQDISHO):_    Duhurnimadii Maanta ayaa askari ka tirsanaa Ciidamada Nabad-sugida Soomaaliya waxa uu askari kale ku dilay Xaafad ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Askari la dilay ayaa ka mid ahaa Ciidamada ilaalada Wadooyinka ee taraafikada loo yaqaano,waxana xilliga la dilayey uu ku howlanaa kala hagida Gawaarida isku kala goosha Xaafadaha Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa Dalsan waxa ay u xaqiijiyeen in ay gacanta ku dhigeyn askarigii falka dilka ahaa u geystay askariga kale,isla markaana Cadaalada lahor-geyn doono.

 

Saraakiisha amniga macadeyn sababta ka dambeysa dilka askariga ka tirsanaa Ciidamada taraafikada balse dad ku dhawaa halka uu dilka ka dhacay ayaa waxa ay sheegeen in dilka ka hor uu muran dhexmaray labada askari.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa muqdisho ku soo kordhay dilalka ay geystaan askarta dowladda,waxaana habeen ka hor Askari ka tirsan ciidamada dowladda uu degmada Kaaraan ku dilay Saddex Wiil oo Walaalo ahaa.

     

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.