” Dadka Soomaaliyeed Dakadahooda Iyagoo Ku Heshiin Magali Karaan Heshiisyo Caalami Ah?

Iyadoo wali dadku Soomaaliyeed  intooda badan ay ka walaacsan yihiin heshiiskii Jimcadii la soo dhaafay dhexmaray dowladaha Soomaaliya Iyo Itoobiya kaa oo ka koobnaa 16 qodob ayaa ah mid Umadda Soomaaliyeed oo dib u heshisin dhexmarin la saxiixay arintaasi waxeey keeni kartaa in Soomaaliya colaadii dib ugu soo noqto. Sida kuwa kada socda ee u dhexeeya somaliland iyo puntland oo kale.

Heshiiska oo aan loo diyaarinin Qaab gole wasiiro waxaa ka maqnaa wasiiradii ku shaqada lahaa sida:  Wasiirka arimaha dibadda, Qorsheynta, dakadaha iyo badda , iyo wasiirka Duulista Hawada.

Marka heshiis muhiim ah ay kala saxiixanayaan labo dowladooda waxeey u baahantahay in la soo diyaariyo  xeriir ka dhaxeeya bankiyada labada wadan , labada wadana ay leeyihiin dawladu awood u leh fulinta heshiiska dhexmaray.

lama oga heshiiskan si loo turjumo waxa uu yahay ma heshiis ganacsibaa, heshiis xagga amniga, dhaqanka mise maalgashiga lama yaqaano wuxuu yahay, 16 qodob waa heshiis u baahnaa in waxbadan laga soo fekiro,

waxaa dad badan isweydiinayaan sida 16 qodob uu ugu  saxiixay Itoobiya Madaxweyne Maxamed Cabdulli Farmaajo muddo 4-saacadood ah iyadoo wali aanay dawlada itoobiya kalaaban heshiiskii dakada barbara ee ah mid khilaaf ku dhex abuuray maamulada Muqdisho iyo Hargeysa.

Wasaaradda Arimaha dibadda waxeey qaabilsantahay dhamaan diyaarinta heshiisyada Caalamiga iyo diyaarinta nidaamka Protocalka laakiin waxaa muuqata in wada shaqeyn aysan ka dhaxeyn wasaaradda arimaha dibada Iyo Madaxtooyada! taasoo keentay in  heshiisku noqdono mid u gaar ah xafiiska Madaxweynaha.

Waxa kaloo qalad ka muuqdey qaabka Madaxweyne Farmaajo  u qaabilay  Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo watay wafdi culus, mana helin protocal muujinaya in loo diyaar garoobay.

Waxaan falanqeynteyda ku soo gabagabeynayaa in dadka Soomaaliyeed oo aan ku heshiin ciidan ay wada leeyihiin, lacag, baasaboor iyo dal ay wada leeyihiin, suurtagal ma aha in Madaxweyne Farmaajo in wadan aanu dadkiisu heshiis aheyn uu u  saxiixo heshiisyo waa weyn,

waa in wax laga barto khaladaadkii horay uga dhacay xukuumadihii dalka soo maray tusaale ahaan, heshiiska Kenya ee Badda wuxuu ahaa mid si fudud loogu gacan geliyay dowladda Kenya walina murankii socdo badeenu.

Hadii mustaqablka Dhow Dowladda Muqdisho dagan ay diido hehsiiskani Maalgashiga iyo dakadaha oo somaliland maamulkeedu ogolaado ama  Garoowe ama Kismaayo , sooma aha musiibo la dhexdhigay shacabka Soomaaliyeed, oo qaar ku doodaan waxaan la midobaynaa dawlada itoobiya.

Hadda waxaa la fahansanyahay in somaliland iyo puntland  ay xiriir toos ah la leeyihiin dawlada itoobiya.

Dowladdu wey iney ka waantowdaa ineey heshiis gasho iyadoo wadanka heshiis aheyn oo wadan hal maamul uusan ka jirin. oo awood u leh inuu itoobiya heshiis la gali karo ku dhisan laba wadan oo siman.

Golaha baarlamaanka iyo hay’daha sharci dejinta waxaan ugu baaqayaa in ay Heshiiskani dib ugu celiyaan Madaxtooyada Soomaaliya si Itoobiya loogu sheego in marka hore ay tahay in Soomaalida dhexdooda la heshiisiiyo. Markaa ayaa dawladaha dariska wax lala qeyb sankaraa.

W/Q: Danjire Maxamed Nuur Caalim

Email: Caalim68@hotmail.com  

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.