Maamulka Gobalka Banaadir Oo Burburiyay Guryo Laga Dhisay Garoon Ciyaartooyda LLP Jeenyo

 (STN-MUQDISHO):_  Maamulka Gobolka Banaadir ayaa saakay gebi ahaanba waxa uu bur buriyey dhismaha Garoonkii Kubadda Cagta  ee LLP Jenyo kaas oo laga dhistay guryo sharci darro ah.

Howlahaan bur burinta ah ayaa daba socday kadib markii todobaad ka hor guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu amray in dhismahaas laga guuro.

Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cumaan Yariisoow oo goobjoog ka ahaa goobta ay bur burinta ka socotay oo ah xaafada carafaad ee dagmada Yaashiiq  ayaa  waxa uu sheegay in dhismahaas uu ahaa mid si sharcidarro ah looga dhisay garoonka.

“Saakay waxaan bur burinay dhismihii sharci darada ahaa ee laga dhisay garoonkii kooxda kubada cagta ee LLP-Jeenyo”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.