Sarkaal Shabaab Ah Oo Lagu Dilay Howlgal Qorsheysan Oo Ka Dhacay Gobalka Jubbada Hoose

 (STN-MUQDISHO):_Ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed oo taageero ka helayo ciidamo Maraynkan ah ayaa duleedka degaanka Araare ee Gobolka Jubbada Hoose waxay ku dileen horjoogihii  Al-shabaab u qaabilsanaa Jubboyinka.

Taliyaha Guutada 58 aad Ururka 11-aad, ee Ciidanka xoogga Dalka G/dhaxe; Cabdi yare ayaa wareysi ku sheegay in Sarkaalkan oo  Magaciisa lagu soo kobay Aruuriyoow  uu ku dhuumaalaysanayay degaan ku dhow Araare.

Horjooge Aruuriyow ayaa u qaabbilsanaa Kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab inuu Lacagaha iyo Xoolaha si khasab ah ugu qaado Shacabka ku dhaqan degaannada Jubboyinka.

Sidoo kale Ciidamada  xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobollada Jubbooyinka ayaa isla howl-galkaasi kooxda Al-shabaab uga furtay Saanad Ciidan iyo Hub u badan Qoryaha fudud.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.