Baarlamaanka Maamulka Galmudug Oo Maanta Cadaado Ku Shiray

(STN-MUQDISHO):_    Waxaa maanta magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka maamulka Galmudug ku yeeshay Xildhibaanada maamulka Galmudug, waxaana kulankan gabo gabdiisa fariin loogu diray Golaha Wasiirada Galmudug.

Kulanka Baarlamaanka yeesheen ayaa ahaa Kalfdahigii 7-aad fadhigiisa koobaad, waxaana kulanka shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir, waxaana kulanka Xildhibaanada soo xaadiray aanu ku jirin Xildhibaanadii gadaal looga daray Baarlamaanka uu muranka ka dhashay.

Waxaa kulanka intii uu socday warbixino looga dhageestay guddi loo xil saaray soo dhaweynta iyo dejinta Xildhibaanada Galmudug, waxa ayna Xubnaha gudigaasi shegeen in howshooda u mareyso meel aad u wanaagsan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa ugu dambeyn ka codsaday Xukuumada Galmudug in si deg deg ah Baarlamaanka u horkeenaan sharciyo dhowr ah oo laga sugayay Xukuumada sida Sharciga dowladaha Hoose, Sharciga Garsoorka, soo gudbinta Miisaaniyada iyo sharciga shaqada iyo Shaqaalaha.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo kulanka soo xiray ayaa ugu baaqay Xukuumada Galmudug in si deg deg ah usoo gudbiso sharciyada ay ka sugayaan Baarlamaanka si Baarlamaanka u meel mariyo ama u diidaan.

 

Waxaana la filayaa in qaar kamid ah Wasiirada maamulka Galmudug si deg deg ah u hortagaan Baarlamaanka Galmudug una gudbiyaan Sharciyo dhowr ah oo looga fadhiyo in Baarlamaanka meel mariyaan ama diidaan.

Kulanka Baarlamaanka Galmudug ayaa imaanaya xili uu wali taagan yahay khilaafka u dhaxeeya Madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug kuwaa labo garab u kala jabay kuna kala shaqeenaya Dhuuso Mareeb iyo Cadaado.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.