Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Maanta Hortagay Baarlamaanka

(STN-MUQDISHO):_Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas,ayaa la filayaa in uu hortago Baarlamaanka maamulkaas.

Gaas,ayaa la filayaa in uu Baarlamaanka ka jeediyo Khudbad ku saabsan xaaladda amniga iyo siyaasadda ee Puntland.

Kulan ay yeesheen Guddiga difaaca Puntland shalay ayaa waxaa ka soo baxay go’aan ah in ay Puntland Gobolka Sool kala wareegto Somaliland.

Madaxweyne Gaas ayaa la filayaa in uu Baarlamaanka ka hor jeediyo waxyaabihii ka soo baxay kulanka Guddiga difaaca Puntland,dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo Daacish oo ka dagaallama Buuraleyda Galgala iyo Calmadoow iyo Doorashooyinka 2019 ka dhacaya Degaannada Puntland.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.