Dowladda Spain Oo La Wareegtay Howlgalkii La-Dagaalanka Burcad Badeeda Soomaaliyeed

 (STN-MUQDISHO):_ – Dowladaha Midowga Europe waxay isla oggolaadeen Hindise uu Madaxweynaha Faransiiska, Emanwal Makron soo jeediyey bishii September, si loo dhiso Ciiddamo Midowga Europe oo Faragelin Milliteri ku samayn kara hadba dalalka ay Colaadaha ka dhacaan.

Ciiddankaasi waxaa la sheegay inay noqon doona kuwo ka madax bannaan Isbahasyiga NATO iyo Dowladda Maraykanka.

Wasiiradda Gaashaandhigga ee dalalka Faransiiska, Jarmalka, Denmark, Belgium, Spain, Holland iyo Portugal waxay  Kulan ku yeesheen caasimadda dalka Luksenberg ee Luksenberg

Wasiiradaasi waxaa kaloo Shirkooda ku wehliyey Xoghayaha Difaaca ee Britain, Farl Howe, kaasi oo ka mid noqday Wasiiradda wada saxiixay Qoraalka lagu taageerayo Dhismaha Isbahaysiga Ciiddamadda Isku-dhafka ee EU-da.

Dowladda Spain ayaa  loo xaqiijiyey inay Dowladda Britain kala wareeto Taliska dhexe ee Hawlgalka  Badda ee Midowga Yururb waxaana ay Spain la wareegtay dagaalka kooxaha burcad badeeda Soomaaliyeed iyadoo maraakiibteeda u soo dirtay xeebaha Soomaaliya.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.