Madaxwayne Farmaajo Oo Jamhuuriyadda Jabuuti Ugu Hambalyeeyey Maalinta Xoriyadda

(STN-MUQDISHO):_Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo  ayaa hambalyo u diray walalalaha dawladda Jabuuti iyo shacabkeeda, taas oo ku aadan xorriyadda dalkaas oo maanta 41-sano jirsatay.

Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo madaxwaynaha JFS ayaa xusay in xiriir walaaltinimo oo qoto dheer inuu ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Jabuuti, kaas oo aan sin aba loo hilmaami Karin.

Jabuuti waxa ay ka xorrowday gumaystihii Ingiriiska 1977-dii, waxaana Soomaaliya oo xorriyadda kaga horaysay ay kaalin wayn ku lahayd dhaqdhaqaaqa xorriyad doonka ee dalkaasi ka socday.

Muddadii burburka Jabuuti dhinaceeda waxa ay door wayn ka qaadatay dawlad dhisidda Somaaliya, waxaana ay wali qayb ka tahay dadaalada lagu xoojinayo nidaamka dawladeed ee Soomaaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.