Al Shabaab  Oo Hoobiyeyaal Ku Garaacay Xerada Xalane Ee AMISOM

(STN-MUQDISHO)_  Waxaa Degmada Wadajir oo ka tirsan Gobolka Banaadir ku soo dhacay tiro Hoobiyeyaal ah, sida ay xaqiijiyeen   Dadka Degaanka oo la hadlay warbaahinta deegaanka.

Hoobiyeaasha ayaa kusoo dhacay Xaafadaha ka agdhow Xerradda Ciidamada AMISOM ee Xalane.

Madaafiicdan ayaa laga maqlay guud ahaan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana jirta cabsi soo wajahday dadka qaar.

Ilaa iyo Saddex Hoobiye ayaa la xaqiijiyay in ay kusoo dhaceen qeybo ka mid ah Xaafadda Xalane ee degmada Wadajir.

Inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa ku dhaawacantay Hoobiyeyaasha sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka degaanka.

Muqdisho-Somalia 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.