Al Shabaab Oo Oday Dhaqameed Ku Dilay Magaalada Muqdisho

(STN-MUQDISHO)_  Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay waxa qeybo ka mid ah degmada Dharkeenlay ee gobolkan Banaadir ay ku dileen Oday dhaqameed ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Ibraahim Cali Xasan,waxana la sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen dilka Nabadoonka, waxaana ay sheegeen in ay beegsadeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa dilka kadib goobta gaaray,iyaga oo sameeyey howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas,wallow aysan ku guuleysan in ay gacanta ku dhigaan.

 

Muqdisho-Somalia 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.