Gaari Ciidan Oo Dad Shacab Ah Ku Jiray Magaalada Muqdisho

(STN-MUQDISHO):_Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa saaka dad ku jiiray Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan hal ruux qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday, halka labo kale oo askar ahaa ay ku dhaawacmeen, waxaana gaariga shilka geystay uu ahaa nuuca loo yaqaano Cabdi bilaha oo ay la socdeen Ciidanka Mialteriga Koofiyo casta ah.

 

Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu si xowli ah ku socday, waxaana uu shilka ku galay agagaarka Hotelka Wehliye oo ah inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka.

 

Sidoo kale gaariga ayaa jiiray gawaari kale oo wadada dhinaceeda yaallay, waxaana goobta soo gaaray ciidamo kale oo gurmad u sameeyay askartii iyo dadkii kale ee shirka ku waxyeeloobay.

 

Gaadiidka Ciidamada ee loo yaqaano cabdi bilaha ayaa waddooyinka Muqdisho ku mara si xowli ah, waxaana dhacda shilal ka dhasha oo sababa khasaarooyin kala duwan.

 

Muqdisho-Somalia 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.