Dawladda Faderaalka Ma Alshabaab Ayey Isku Baddeshey?

Sirtii Qarranka ayaa bannaanka daadsan,  waxaan meesha ka muuqata fadeexaad ah in si dhib yar loo heli Karo ama loobur burin karo sirtii hay’adda NISA, maadaama sawirro laga qaaday mid kamid ah Xafiisyada taliska ciidanka NISA.

Arrinkani wuxuu ka marag yahay  in dowladda Faderaalka Soomaaliya ay ku dhex milmeen koox  Alshabaab fikirkooda aaminsan, maxaa yeelay taliye ama sarkaal xilka waa laga qaadi karaa, xilku waa meerto balse in xogtii qarsoonayd ee qaranka sidaas loo soo fatashay waxay caddaynaysaa gacan bidixeyn lagu wado nidaamka dowladnimo.

Xafiiska Taliye ku xigeenka NISA Cabdalla Cabdalla Maxamed oo sirtii taallay qeybna la qaatey qeybna la burburiyey waa mid abuuraysa shaki weyn sababtoo ah taliyaha shaqo joojin ayaa lagu sameeyay maxaa keenay in xog keydsan la burburiyo haddii aynaan arrin kale aaney  jirin,haddana xafiiska sidaan loo galay wuxuu ku dhex  yaallaa xarunta NISA ee gurigii hore ee Hooya Khadiija oo iminka ah xarunta dhexe ee hay’adda nabad sugidda iyo qaranka ee NISA.

Fadeexaddani ayey saraakiisha NISA ku tilmaameen mid aan hore loogu arag taariikhda Hay’adda Nabadsugidda Qaranka, ayna tahay ficil xun oo ah Dambi qaran ah.

Sow in wax la iska waydiiyo maaha maxaa qasbay in Fadeexaddaas dhacdo oo sirta dowladda in sawiro laga qaado qaar kalena la burburiyo maxaysa yihiin documents-yada la qarinayo.

In la burburiyo xafiis muhiim u ahaa shaqada Hay’adda NISA sow lama oran karo waa ujeeddo kale sow ma oran karno arinkan waa burburinta Sirta dowladda Faderaalka oo si ula kac ah loo sameeyey?!

Cid kasta oo amartey ficilkan fadeexadda ah waa in guddi heer baarlamaan iyo heer xukuumad loo saaraa,  Dawlada Faderaalka lama aamini karo haddey arrinkan ka aamusto.

Sababta ayaa ah sanadihii dambe sumcadda NISA waxaa la degay qaladyo ka dhacay xakuumadda RW Kheyre taasoo siyaasiyiin ku maquunisay waxaa jirtay in 17-DEC-2017 habeen madoow ay NISA weerartay guriga siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dadkii lagu dilay meydkooda aan la siinin ehelkooda, waxaa iyana jirtay in siyaasiyiin uu kamid yahay Kamaal Guutaale maalin cad hotel Makka Almukarrama lagu weeraray iyo sidoo kale fadeexaddii ka dhalatay Qalbi Dhagax ayaa noqtay kuwa hareeyay shaqada Xukuumadda Kheyre.

Waxaa suurtagal ah in xogtaasi loo burburiyay si aan loo ogaanin xaqiiqda dhabta ee ah iyo cidda amarradan bixiyey,madaxda Dowladda Federaalka oo weli arrintani aan ka hadlin waa ku guuldarro siyaasadeed iyo fashil.

Xogta la helayo ayaa sheegeysa in Agaasimaha NISA uu lahaa amarka lagu galay xafiiska ku xigeenkiisa koowaad balse fadeexadda waxaa ah dusha ka saaran tahay madaxda Dowladda Faderaalka ugu sarraysa.

Si shacabku ugu kalsoonaadaan shaqada NISA waa in dowladdu tallaabo cad ay ka qaadaa arrintani fadeexadda ah.

W/Q: Danjire Maxamed Nuur Caalim

Email: Caalim68@hotmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.