Kooxo Hubeysan Oo Labo Askar Ku Dishay Magaalada Muqdisho

 (STN-MUQDISHO):_Kooxo biskoolado hubeesan ayaa goordhaw labo askari oo la sheegay in ay katirsanaayeen ciidanka Milatariga Soomaaliya waxa ay ku dileen Isgooska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho.

Labada askari ee dilka loo geestay ayaa watay gaari yar oo nuuciisu ahaa Kaarib, waxaana gaariga oo saxmad ku dhax jiray lagu dhax toogtay labo askari oo ku labisnaa dareeska ciidanka Milatariga.

Goobjooge ayaa noo sheegay in labada askari ee la dilay daaqada u furnaayeen gaarigoodana uu ku jiray saxmad, waxaana mar qura rasaas ku furay kooxo biskoolado ku hubeesan kuwaa oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Gaariga labada askari lagu dhax dilay waxaa sidoo kale saarneed haweeney taa oo ka bad baaday kooxaha hubeesan, waxaana askarta la dilay oo naf xun ku jirtay daqiiqado waayeen cid usoo gurmata halkaas ay ku geeriyoodeen.

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa daqiiqado badan kadib soo gaaray gobta uu dilku ka dhacay, ciidanka ayaana la sheegay in goobtaasi ka qaadeen labada askari ee la dilay iyo gaarigii ay wateen.

Dilkan loo geestay labadan askari ayaa kusoo aadaya xili saakay iyo xalay sidan oo kale magaalada Muqdisho loogu dilay askar katirsan ciidanka Milatariga iyo Minishiibiyada, waxaana baxsaday ragii hubeesnaa ee dilakaasi geestay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *