Dayax Madoobaadkii Ugu Waqtiga Dheeraa Qarnigan Oo Xalay Laga Dareemay Soomaaliya

 (STN-MUQDISHO):_Malaayiin qof oo ku nool dunida  ayaa habeenimadii xalay daawatay dayax madoobaadki ugu waqtiga dheeraa  Qarnigaan,kaas oo socday muddo dhowr saacadood ah.

Meelaha sida weyn looga dareemay waxaa ka mid ah Koofurta Ameerika, Australia ,koonfurta iyo Bariga Qaaradda Afrika iyo magaaalooyin kale oo dunida ah.

Shucuubta Muslimiinta ee  ku nool dunida ,ayaa habeenimadii xalay u dareeray tukashada salaadda loo yaqaanno Kusuuful Qamar,kadib kolkii Seynisyahanadu  ay horey u saadaaliyeen  inuu dhacayo dayax madoobaad,

Dalka Soomaaliya,ayaa ka mid ah dalalkii laga arkay Dayax Madoobaadka,waxaana Culimada iyo dadweynaha ay ku dhaqaaqeen alla bari iyo ducooyin gaar ah oo la akhriyo xilliyada dayax madoobaadka iyo qorax madoobaadka.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.