Magaalada Gaalkacayo Oo Lagu Dilay Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada Puntland

(STN-MUQDISHO):_-Kooxo hubeysan ayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dilay Sarkaal hore oo ka tirsanaa Ciidamada Birmadka ee maamulka Puntland.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/rashiid Xasan Xaashi kaas oo la dilay sida wararka soo baxaya ay tilmaamayaan asaga oo ka soo baxayay Masaajid ku yaala magaalada.

Kooxdii dilka geystay ayaa baxsaday sida dadka deegaanka ay u xaqiijinayaan warbaahinta, Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga bixiyay dilka xalay kooxo hubeysan ay u geysteen Sarkaal hore oo ka tirsanay Ciidamada maamulka Puntlandi.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.