Shirkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya Ee Magaalada Garoowe Oo Baaqday

(STN-MUQDISHO):_ Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in shirkii khamiislaha ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ee la qorsheeyay in lagu qabto  Magaalada Garoowe  ee xarunta Maamulka Puntland in uu baaqday.

Waxaa sidoo kale wararku intaa ku darayaan in la fasaxay Hoteeladii loo qabtay Wasiirada iyo xubnaha kale ee Magaalada Garoowe ku wajahnaa iyadoo ay xusid mudantahay in  Ra’isul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya uu ku sugan yahay deegaanada Maamulka Puntland.

Madaxweynaha galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sidoo kale la soo sheegayaa in aysan ka qeyb gali doonin munaasabada sanad guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay Maamulka Puntland, sababo la xiriira kala shaki ka dhex jira Madaxda maamulada dalka iyo kuwo dowladda Federalka Soomaaliya.

Waxaa Ilaha warkani inoo xaqiijyeen in ay suuragal tahay in caawa ay baaqato 20 sanad guuradii ka soo wareegatay markii Puntland la dhisay, si loo baajiyo Khudbada uu Ra’isul wasaare Xasan Cali kheyre ku leeyahay Munaasabadaasi.

Isku soo wada duub arimahani ayaa ku soo aadaya markii Ra’isul wasaare kheyre uu diiday inuu dhagax dhigo dekadda Garacad oo la sheegay inuu ka cudur daatay, taa oo lumisay kalsoonidii cagaha badan aan ku taagneen oo shacabka iyo Madaxda Puntland ku qabeen xukuumada Federalka Soomaaliya.

Wixii warar ah ee ku soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa Insha’allah

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.