Mareykanka Oo Duqeyn Ku Dilay Xubno Katirsan Al Shabaab

 (STN-MUQDISHO):_War saxaafadeed uu soo saareen Taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in 2-dii bishan 4-qof oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku dileen meel 74-KM waqooyiga galbeed ka xigta magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ayadoo la kaashanayo Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ay ciidanka Maraykanku qaadeen weerarkaas oo ay ku bartilmaameydsadeen fariisin maleeshiyadaArgagixisada ah ee Al Shabaab ay ku lahaayeen gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu war saxaafadeedku intaa ku daray in aysan jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay.

Sanadihii dambe waxaa sii xoogeystay weerarada lagu hayo horjoogayaasha Maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaas oo ay fulinayaan ciidanka dowladda Federaalka ah iyo saaxiibada caalamka ee taageera Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.