Daawo: Danjire Caalim Oo Falanqeeyay Carada Jabuuti Ka Muujisay Safarkii M/weyne Farmaajo

 (STN-MUQDISHO):_Danjire Maxamed Maxamuud Caalim oo ka faallooda siyaasadda arrimaha Soomaaliya iyo guud ahaan tan wadamada gobolka ayaa si qoto dheer  kaga hadlay safarkii Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dabayaaqadii bishii la soo dhaafay uu ku gaaray magaalada Asmara ee dalka Eratariya.

Wuxuu sheegay in saansaanta muuqanayso ay tahay sidii moqwiyadda Soomaalida lagaga xoreyn lahaa xukunka dhulka Jabuuti islamarkaana wax faa’iidaha ah aysan u lahayn Soomaalida “Jabuuti waa cad naga mid ah oo madaxdii Soomaaliya Aadan Cadde iyo Maxamed Siyaad baa ka dardaarmay, calanka labaad oo Soomaaliya waa kan Jabuuti” ayuu yiri Danjire Caalim.

Danjiraha ka faallooda siyaasadda dalalka gobolka geeska Afrika ayaa sheegay in sida muuqata cunaqataynta laga qaadayo Eretariya, islamarkaana maanta ay saldhigyo siiseen dalal kale duwan oo uu ka carrabaabay Imaaraadka in taas ay sahlayso in dhowr jiho Jabuuti lagaga duulo.

“Eratariya haddii cunaqataynta laga qaado waxay doonaysaa in dhulka lagu muransan yahay ee badda ku dhow ay la wareegto, MW Farmaajo waa garanayaa taariikhda, waxaa weeye xaqiiqda haddii RW Itoobiya Abiy Ahmed uu dhagta wax ugu sheegay Farmaajo oo uu ku dhahay arrimaha sacuudiga iyo Imaaraadka baa kaa furfuraynaa isagu wuxuu doonayaa in dekadaha labaatan sano ka xirnaa uu furto oo Casab iyo Masawo ah, maadaama isagu uu dagaal ku qaadi karin Jabuuti waa inuu u adeegsadaa mid Audiology Canfarta ayaa la kicinayaa oo la leeyahay 40 sano ayay Soomaalida xukunka heystaan waxna ma qaban waa la bedalayaa” ayuu yiri Danjire Maxamed Caalim.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu dhabarka ka toogtay dowladda Jabuuti.

“Safarkaas safar barakaysan ma ahayn waa in shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay ka xaal mariyaan, marka ay ugu yar tahay waa in uu Istaqaalo(Iscasilaad) keeno” ayuu yiri Danjire Maxamed Caalim.

Dhanka kale, wareysiga Danjire Caalim wuxuu kaga faallooday kacdoonnada iyo xasuuqa lagu hayo Qowmiyadda Soomaalida lagu hayo ee ka socinayo gudaha Itoobiya ayna u dambeeyeen rabshadihii ka dhacay Jigjiga.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.