Ra’isul Wasaare Kheyre Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Qalday Taariikhda Iyo Juquraafiga Dalka

(STN-MUQDISHO):_Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Golihiisa Wasiirada ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa deegaanada maamul goboleedka Puntland.

Xassan Cali Kheyre maalintii uu ka degay Garowe waxa ay dadweyne aad u tira badan ku soo dhaweeyeen barxdda magaalada isaga oo ku hadlay halkaas.

Hadaladdiisii waxaa ka mid ahaa: “Waxaad ku mahadsantihiin mudane iyo madaxweyne adiga iyo shacabka sharafta leh ee reer Puntland in aad igu soo dhaweyseyn dhulkii xudunta u ahaa halgankii daraawiishta”.

Hadallada Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre waxa ay dhaliyeen muran ku saabsan juqraafidda dalka iyo sida ay deegaanado kala yihiin.

Sida taariikhda lagu hayo xaruntii halgankii Daraawiishta waa degmada Taleex ee ka tirsan Gobolka Sool, magaalada Buuhoodle ee ka tirsan Gobolka Togdheer iyo deeganado kale oo ku xeeran!

Waxaa ka daray Xassan Cali Kheyre ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed ‘Khadar!’ Isaga oo hadal ka jeediaya xaflad habeenkii jimcaha ay Puntland ugu dabaal dageysay sanadguuradeedii 20-aad, waxaana uu yiri:“Puntland wa hoygii halyeeyaddii curiyey halgankii 60-kii, Allow yaa darwiishkii farriin dabacsan gaadhsiiya, Allow yaa yiraa dadkaagii dowladnnima qaate”.

Hadaba, su’aasha ayaa ah labada mas’uul miyeysan kala aqoon dalka?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.