Falalka Isdilka Ah Oo Ku Soo Batay Magaalada Muqdisho

 (STN-MUQDISHO):_Wiil dhalinyaro ah ayaa Isniintii waxa uu isku dilay degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir.

Qof kamid ah qoyska wiilka isdilay oo la hadlay warbaahinta  ayaa  sheegay in wiilku uu dhuunta iskaga dhuftayToorreey , kadibna uu durbadiiba geeriyooday.

Ninka dhalinyarada ah ee isdilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Saciid Maxamed Yabaroow, waxa ayna qoyskiisu inoo xaqiijiyen in maalmihii ugu danbeeyay uu xaalad isku buuqa ku jiray oo hurdadii uu ka tagay.

Soomaaliya waxaa kusoo badanaya falalka isdilka ah, ama in ay dhibaato isu geystaan xubnaha hal qoys oo kali ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.