Taliye Gorod oo Amar siiyay Ciidamada xoogga dalka

(STN-MUQDISHO):_Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku amray Ciidamada xoogga dalka in ay ilaaliyaan Xeerarka Caalamiga ah ee ilaalinta Xuquuqda Aaddanaha.

Taliye Gorod ayaa faray ciidammada xoogga inay u hoggaansamaan dhowridda xeerka caalamiga ee xuquuqda aadanaha marka ay samaynayaan howlgallo militari.

Waxaa uu  digniin ku bixiyay in ciidammada aanan ilaalinin xuquuqda aadanaha lala tiigsan doono maxkamad.

Xeerka dhowridda xuquuqda aadanaha waxaa kamid ah difaacidda shacabka iyo in aanan burbur loo gaysanin hantida shacabka marka ay howlgallada socdaan.

Wuxuu yiri “ Marka aad sugayso ammaanka oo aad dagaal kula jirtid kooxaha maleeshiyaadka, waxaa jiraa xeer caalami ah oo lagaa doonayo inaad ilaalisid kaaso mas’uuliyad kaa saran in aad dhowrtid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.