Al Shabaab oo helay tuutihii ugu dambeeyay ee ciidanka Xoogga dalka+Sawirro

(STN-MUQDISHO):_ Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Shabaab oo Fagaare ku yaal Degmada Jilib lagu arkay iyaga oo wata tuutihii ugu dambeeyay ee ciidamada 14-October loo qaybiyay.

Waxaa xusid mudan 14-Bishii July, Rag hubaysan oo Afar gaaraya inay weerareen Koontaroolka Ciidanka Beerta Nabadda ay ku leeyihiin, iyaga oo xiran tuutaha Ciidanka 14-October, halkaasina lagu dilay.

Abuu Cabdalla oo ka mid ah Saraakiisha Shabaab, ayaa ka mid ah xubnaha xiran tuutaha Ciidanka 14-ka October ee Sawiradooda la arkay.

Waxay kaloo Al Shabaab soo bandhigeen gaadiid leh astaamaha gawaarida milateriga ee dawladda Soomaaliya.

Muqdisho-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.