Maxaad ka og tahay kooxaha isku haya vila somalia dagaal koodu meesha uu marayo

(STN-MUQDISHO):_ La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo mudane CabdiSaciid Muse Cali oo Saxiib tinimo weyn la leh dawlada Imaaraadka wuxuuna sidoo kale  saxiib  wanaagsen la’ahaa  Fahad yasiin .

Wax Qarsoon maaha in uu jiro dagaal Qabow oo wasaarada arimaha dibada ee Dawlada Faderalka iyo Vila Soomaaliya in masuuliyiinta joogta loo qeyb samay koox imaaraad ah iyo koox Qatar ah.

Dagaalka ka dhaxeeya vila somalia iyo imaaraadka sidee dhex dhexaad uga noqon karaa,  Raga ku dul wareegsen Madaxweyne Farmaajo  sidoo kale labadaa kooxood  mashruuc qarsoon ayey wadaan .

Dagaalkii hada banaanka ayuu yimid. Waxaa su’aalo la iska waydiinaya sheekada mudane fahad yasiin oo banaanka la keenay markii la sheegay inuu heesto Passport-ka dalka Kenya!

CabdiSaciid Muse Cali oo ah La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo wuxuu saaxiib dhaw la’yahay safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaradka Carabta.

Hada qodobadan hoose waxaan ku cadeynayaa sida wax u jiraan ee dhabta ah.

1: Waxaa iska cad in dawlada imaaraadka oo dhaqaala weyn ku bixisay in la soo ban dhigo Taariikh nololeedka Mudane Fahad Yasiin oo fadeexad dhex fadhiya.

2: Taladan noocan ah maaha caqli nin carbeed? In arinka la sameeyo yaa ku taliyey.

3: Wadadee loo maray in xogtaan noocan ah waqti yar lagu helo.

4: Sameeyn  intee la eg ayey ku yeelan kartaa mudane fahad yasiin oo Nairobi u ahayd xarun uu ka hogaamiyo borobagaan dadiisa siyaasadeed. hadana cabsi laga liyey nolashiisa u gaar ka ah  ahayd.

4: Dawlada kenya sidee arinka u aragtaa sharci ahaan iyo amni ahaan

Waxaan Falanqeyn tayda  ku soo koobayaa siyaasada ama xilka siyaasigu Qabto  waa arin adag oo wax kasta kuga qasbeysa inaad sameyso ama lagugu  sameeyo in la is fadeexeeyaa waa qeyb ka mida Tar tanka siyaasada ee waqtiga casriga ah.

Waxaa qoray: Danjire Maxamed Maxamuud Caalim, waa Fallanqeeye arrimaha Soomaaliya, Diblumaasi hore iyo Aqoonyahan Soomaaliyeed oo deggan wadanka Finland.

 

Tel: +358458712195


Email: caalim68@hotmail.com

 

Muqdisho-Somalia                                         

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.