Madaxweynaha Puntland oo magacaabis iyo xil isku badalid sameeyay (Akhriso)

 (SITV-MUQDISHO):_    Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray ku magacaabay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland,waxayna u qornayd magacabistu sidaan.

Xeer Madaxweyne Lr. 110 August 23, 2018, kuna saabsan magacaabid Agaasime Waaxeedyo Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay:                      Dastuurka Dowladda Puntland

Markay tixgeliyey:                Aqoontooda iyo khibradooda shaqo

Waxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa Maxamed Siciid Maxamed (Black) loo magacaabay Agaasimahad Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadda ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.
  2. Waxaa Maxamed Cali Muuse loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga iyo Horumarinta ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

 

  1. Waxaa Daahir Faarax Xuseen loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Cilmi Baarista ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

Dhanka kalana waxaa uu madaxweyne Gaas.

  1. Cabdirisaaq Maxamed Xasan u magacaabay la-taliyaha Hay’adda jidadka Dowadda Puntland ee (PHA).
  2. Mowliid Abokor Abkey waxaa loo Bedelay Guddoomiyaha Hay’adda Qandaraasyada Dowladda Puntland.

 

  1. Ibraahim Cumar Aadan waxaaloo bedelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaariinta Boostada, Hiddaha Iyo Dhaqanka Dowladda Puntland.

 

DHAMMAAD

 

Muqdisho-Somalia                                         

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *