Talyaniga:  Muhaajiriin Soomaaliyeed oo cuntada ka soomay

(SITV-MUQDISHO):_ Dalka Talyaaniga waxaa la sheegayaa in Muhaajiriin ay Soomaali ay ka midyihiin iney Cuntada ka soomeen kaddib markii dowladda Talyaaniga ay diidday in ay qaabisho.

Markab ka mid ah kuwa Muhaajiriinta ka badbaadiya Xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga ayaa Dadkaasi geeyay Magaalo Xeebeedka Talyaaniga ee Catania.

Wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga Matteo Salvini, oo ah Nin neceb soo galootiga ayaa sheegay in dadka cunta ka soomay ay iyaga u taallo wixii ay doonaanka sameyn karaan.

Muhaajiriinta oo isugu jira Soomaaliya,Liibiyaan,Syrian iyo Eritrean ayaa waxaa ay tiradoodu gaareysaa 150 Qof,waxaana 16kii Bishan laga soo badbaadiyay badda u dhaxeysa Liibiya iyo Taltaaniga.

Muhaajiriinta ayaa ku doodaya in sanado si xun loola dhaqmayay gudaha Liibiya kaddib aysan hadda oggolaan karin in dib loogu celiyo Liibiya,sidaas darteedna waxaa ay Midowga Yurub ka codsadeen in ay arrintooda farageliyaan.

Kulan shalay oo Jimco ahayd ka dhacay Brussels oo ay ku kulmeen 12 dal oo Midowga Yurub ah Talyaanigana ka mid ahaa ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday waxaana dowladda Talyaaniga diidday qaabilaadda dadkaas.

Sky TG24 TV,ayaa sheegay in Ragga ay diideen in ay Raashinka Xunaan halka Haweenka ay raashinka qaarkood cuneen.

Dadkan waxaa ka mid ah Haween dad’oodu u dhaxeyso 15 ilaa 20 jir,kuwaas oo qaarkood cunta ka soomidda qeyb ka ah.

Labo ka mid ah Xildhibaannada Mucaaridka ee Dalka Talyaaniga ayaa Xisbiga shanta xiddig ee talada haya ku dhaliilay sida uu ugu xadgudbayo bani’adamnimada.

Muqdisho-Somalia                                         

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.