Ciidamada Xoogga dalka oo dilay sarkaal u dhashay Ruushka kana tirsanaa Al Shabaab

 (STN-MUQDISHO):_Ciidamada Xoogga dalka Somaliyed oo garab ka helaya kuwa Amisom ayaa hawlgal qorsheysan oo ay sameeyeen waxa ay gudaha magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen sarkaal Ajnabi oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Warkan waxaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyay Taliyaha qeybta 12-aad ee ciidanka xoogga dalka General Cumar Dheere, wuxuuna sheegay sarkaalka Ajnabiga ah ee la dilay in lagu magacaabi jiray Sheekh C/naasir Asar-bajaan oo u dhashay wadanka Ruushka.

General Cumar Dheere wuxuu kaloo sheegay sarkaalkan inuu Ururka Al Shabaab kaga soo biiray kooxda xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yaman.

“Ciidamada geesiyiinta ayaa hawlgal ay ka fuliyeen magaalada Marko waxa ay ku dileen Horjooge ka tirsanaa nimanka cadowga ah ee Al Shabaaab oo lagu magacaabi jiray C/naasir Asar-bajaan, hawlgaladan waxa ay yihiin kuwa sii socon doona”. Ayuu yiri General Cumar Dheere.

Hawlgalkan gaarka ah oo ay fuliyeen ciidanka 14-ka October ayaa inta uu socday sidoo kale waxaa lagu dilay 10 dagaalame oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayay gudaha magaalada Marko.

Magaalada Marko tan iyo markii ay la wareegeen bartamihii bishan ciidanka xoogga dalka waxaa ka socda hawlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo, inta ay socdaan hawlgaladan waxaa lagu soo qabtay xubno lagu tuhmayo Al Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *