Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya oo diiday ka qeyb galka furitaanka kalfadhiga golaha shacabka

(STN-MUQDISHO):_ Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay ka qeyb galka munaasabada Furitaanka kala Fadhiga Afraad oo xiligan ka socota xarunta Akademiyada Booliska Gen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho

Qaar ka mid ah Xubnaha aqalka sare ayaa sheegay in dib loo dhigay furitaanka kalfadhiga Aqalka Sare, isla markaana  ay maalinta Berri ah furi doonaan.

Waxay intaas ku dareen inaysan qeyb ka aheyn furitaanka maanta ee Baarlamaanka ee Soomaaliya ee dugsiga Generaal Kaahiye, iyagoo aan cadeynin sababta ay uga qeyb geli waayeen iyo waxyaabaha keenay iney go’aankan qaataan.

 

 

Muqdisho-Somalia.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *