Sarkaal Shabaab ah oo lagu toogtay Magaalada Muqdisho

(STN-MUQDISHO):_Qaasim Axmed Rooble Afhayeenka Booliska Soomaaliya  oo la hadlay warbaahinta aya waxaa uu faahfaahin ka bixiyay howlgal ay ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxaa uu sheegay in Abuukar Xasan Cadde oo ka tirsanaa Al-shabaab ay ku dileen howlgal ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan  ayaa waxaa la sheegay inuu  ka tirsanaa  Al-shabaab, islamarkaana waxaa uu  qaabilsanaa Degmooyinka Hiriwaa iyo Yaaqshiid.

 

Muqdisho-Somalia.

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.