Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo qarax lala eegtay

(STN-MUQDISHO):_ Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca loo yaqaana Dhejiska, waxaa gaarigiisa loogu xiray Xildhibaan katirsan baarlamaanka Somaliya, warar waxey sheegayaan in qaraxa oo jugtiisa meelo abdan oo kamid ah Muqdisho laga amqlay lala eegtay Xildhibaan Booroow.

Mohamed Mursal Mohamed Borow, ayaa la soo sheegayaa inuu dhaawac daran ka soo gaaray qaraxa, sidoo kale waxaa jira dad kale oo iyaguna Khasaare ka soo gaaray Qaraxa.

Ciidamada amaanka ayaa durbadiiba goobaha caafimaadka ula cararay dhaawaca Xildhibaanka, waxeyna meesha ka wadaan baaritaano.

Halka Qaraxa uu ka dhacay oo ah Tiyaatarka Qaranka, waxaa goobo baaris ku leh Ciidamada Koofi Guduuda ee ilaalada ka heysa Madaxtooyada Somaliya, wuxuuna gaariga qarxay uu ahaa nooca Somalida u taqaano HILUX.

Muqdisho-Somalia.           

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.