Madaxweynaha Galmudud oo baaq nabadeed u diray beelo ku dagaalamay gobalka Galgaduud

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmad Ducaale Geelle Xaaf oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka dhiidiyay dagaal beeleed saakay ka dhacay deegaanka Dacdheer ee gobalka Galgaduud.

Deegaanka Dacdheer oo katirsan gobalka Galgaduud oo hoos yimaada maamulka Galmudug waxaa maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd colaad u dhaxeysay labo maleeshiyo beeleed oo isku haysta gacan ku heynta maamulidda deegaankaasi oo ciidamada Liyuu boolis ay ka baxeen.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ka dalbaday dadka ay dirirto ka dhaxeyso in ay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka dib uga soo cusboonaaday deegaanka Dacdheer oo shacab badan ku nool yihiin.

Axmad Ducaalle Xaaf ayaa xusay in ka maamul ahaan ay ka xun yihiin dagaalka waxaana uu baaqiisa nabadeenta ku sheegay inuu hesiisiin doono dhinacyada dirito ka dhaxeyso.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka Dacdheer ee gobalka Galgaduud oo maanta lagu dagaalamay ayaa sheegaya in ay jirto daganaasho yar oo cago badan ku taagneen, waxaana jira khasaaro soo kala gaaray Labada maleeshiyo beeleed ee is dagaalay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.