Free Madaxweyne Farmaajo! Yuu la heesta u yahay

Free madaxweyne Famoojo Waa in xoriyadiisa Madaxweyne loo ogolaadaa Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  oo laga xoreeyee Kooxda Xooga ku haysata.

Dalku wuxuu ku jiraa xili adag oo loo baahan yahay go’aan sax ah oo Madaxweyne ,  Waxaa dareen sanahay in madaxweyne Farmaajo koox dhalin yaro ah  oo aan aqoon lahayn  oo dhaqan dawladnimo hore u arag inay La taliyaal looga dhigay.

Aarinka  wuxuu wax garadka soomaaliyeed ku beeray walaac iyo shaki  Waxaa timid in su’aal la iska waydiiyo awoodiisii Madaxweyne farmaajo ee dastuuriga ah. waa in golayaasha sharcidajintu bilaabaan Mooshinka ah Free Farmaajo.

Dhaqanka Dawladnimo ee aduunka aan ku nool yahay Madaxweyne kasta inta uu xilka hayo wuxuu ka hadlaa xaaladaha siyaasadeed ee dalkiisa marka shacabku ubaahdaan   inay ogaadaan go’aanka ama Rayiga Madaweynaha .

Free Farmaajo xaaladaha uu ka aamusay!

1Dhacdooyinka waa weyn ee uusan ka hadlin Madaxweynaha

  1. Afduubkii Qalbi Dhagax.

3.Weearkii Maatada lagu laayay ee Bariire.

4.Weerarkii Siyaasiga A A Warsame

5.Maxaa keenay xilka qaadida  Guddoomiye Jawaari.

6.Weerarkii Wasiir ku xigeenka  Arimaha Dibadda.

7.Dhacdooyinka xanuunka badan ee maalmahaan ka dhacaya Muqdisho.

8.Qalaasaha Siyaasadda arimaha dibadda iyo khilaafka Dowlad gobakeedyada.

9.Fashilaada ku timid dagaalka alshabaab lagu qaado.

  1. Xilka qaadida Gudoomiyaha maxkadasare iyo Qofka lagu badalay sida sharciga ah ee lagu magacaabay.

Si madaxweyne farmaajo u dareemo in masuuliyad ka saaran tahay xalinta khilaafka siyaasadeed ee dalku ku jiro ma ahan  inuu ka aamuso waa in lahelaa madaxweyne xor ah.

Shacabka soomaaliyeed waxaa shaki kaga jiraa  Madaxweyne Farmoojo sow ma’ ahayn madaxweynihii shacabka Goormaa xoriyadiisii Madaxweyne laga qaatay.

Aaway Balamadii uu shacabka laga lay yaa hortaagan su’aalahaa iyo kuwa badan waa  in la is waydiiyo.

Madaxweynaha ee xilka uu hayo ee dasruuriga ah maku shaqey karaa,  Kooxda ku haysata xilkiisa  Madaxweyne in si toos  loola hadlo Madaxwyne Farmaajo in isagu xilkas soo doontey balanqaadey inuu shacabka soomaaliyeed ku hogaamin doono wado dib u heshiin iyo dhisida Qaran soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu hore u sheegay intii uu  taageerada shacabka uga  adkaan doono Al-Shabaab,  arinkaa teegeerada shacabka xagee martay yaa Fashiliyey xiriirkii madaxweye farmaajo iyo shacabkiisa.?

Khaladaadka siyaasadeed ee Awoodiisa lagu sameenayo maxaa keenay.

Madaxwene Farmaajo wuxuu balanqaadey inuu dhisidoono ciidan  sirdoon oo awood leh  Iska dhaaf ii sirdoon  uu soo dhisee kuwii  hore u jiray ayaaba la bur buriye. xaruntii NISA ayaa la jabsadey wali arinkaa Madaxweynuhu ka ma hadlin.

Madaxweyne farmaajo wuxuu balanqaadey in dadka ay dilaan Al-shabaab mag dhaw laga bixinayo mag dhaw la siiya iska daaye Tacsi in dawladiisu tacsi u dirto ayey diiday.

Fadeexadii muwaadin Qalbi dhagax oo aan xidna maxkamad loo keeni.

Khaladaadka siyaasadeed ee lagu sameynayo magac madaxweyne Farmoojo lama soo koobi karo muda 1sano iyo lixbilood waa in shacabku waxa iska waydiiyaan hogaanka Madaxweyne Farmaajo.

siyaasada dalka ayaa iminka ah mid cakiran, iyadoo aan la saadaalin karin, sida hadda waxa u socdaan, marka loo eego guuxa Baarlamaanka ka jira, maamul goboleedyada  oo shaki galiyey wada shaqeynta Madaxweyne Farmaajo.

Xaalada Xukumada Raysal wasaare khayre oo joojisay wada shaqeyn tii Golayaasha sharciga wadanku wuxuu u baahan yahay siyaasad ah Free madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne awoodleh.

Waxaa Falanqeyntan kooban isku waydiiyay waxaa shaki shacabka kaga jirta xoriyada Madaxweynaha Go’aanada uu gaari karo.

Waxaa qoray: Danjire Hore Maxamed Maxamuud Nuur (Caalim), oo ah aqoonyahan iyo siyaasi darsa siyaasadda waddamada gobolkaAfrika, islamarkaana ku nool dalka Finland.

Email: Caalim68@hotmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.