Soomaaliya iyo Jabuuti oo doonaya iney ka faa’ideystaan fursadaha geeska Africa

Xasan Cali Kheyre Ra’isul wasaaraaha xukuumadda Federalka Soomaaliya oo  xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan ayaa waxa ay kawada hadleen xeriirka derisnimo iyo midka walaaltinimo ee u dhaxeeya labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya.

Safiirka iyo Ra’isul wasaaaraha ayaa kawada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xeriirka qotoda dheer ee labada dal iyo sida looga faa’ideysan karo fursadaha waaweyn ee gobalka geeska Africa, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Intii uu kulanka socday Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya  ayaa  uga mahadcelinayay shacabka iyo madaxda Djibouti sidii ay u garab istaageen oo ay uga qayb qaateen dib u dhiska hay’adaha dawladeed ee dalka xilligii ay Soomaaliya burbur saneyd.

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa leh xariir soo jireen ah oo ku salaysan walaaltinno, is qadarin iyo is-garab istaag.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.