Maxaa maanta baajiyay kulankii Xildhibanada Golaha Shacbka ?

Kulanka caadiga ah ee xildhibaanada golaha oo ay kaga hadlaan qodobada miiska u saraarn oo qaarkood ay yihiin kuwo masiiri ah ayaa maanta baaqday sida wararka ay sheegayaan.

Ajandaha kullanka maanta ee xildhibaanada golaha shacabka ka baaqday waxa uu ahaa ka doodista xeer hoosaadka baarlamaanka Federalka Soomaaliya oo dhowr jeer dib loo dhigay.

Sababta uu u baaqday kulanka ayaa waxaa  ay xildhibaanada ku sheegeen in ay tahay looram la’aan awgeed, waxaana arimahan oo kale ay abuuri karaan kala qeybsanaan iyo kooxeysi ka dhex bilowdo baarlamaanka sida ay sheegeen xildhibaanada qaar.

Mudanayaasha Mararka qaar ka maqan kulanka Golaha Shacabka, islamarkaana aan soo xaadirin kulamada ayaa horay u jiri jirtay taa oo dhowr jeer laga soo saaray baaq ka dhan oo lagula xisaabtamayo xildhibaanadaasi.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.