Sidee looga gudbi karaa Takoorka ama Heybsooc Soomaalida dhexdeeda ka jira?

Maanta dadka ku nool dunida  ma qaadan karaan  in ay jiraan dad wanaagsan iyo dad xun isir ahaan, dad sarreeya iyo kuwo laga sarreeyo, dad daciif ah oo liita iyo dad aad u xooogan oo awood leh.

Takooridda qof kula mid ah waliba aad wadaagtaan midib, diin, dhaqan iyo Af waa wax aan ku wanaagsaneyn bini’aadannimada waxaana arrinkan heybsooca aaminsan badi Soomaalida ku nool dalka oo takoora iyo heybsooc kula dhaqma beelaha qaar ee Soomaaliyeed.

Kala qub qubnaanta maanta ka jirta bulshada Soomaaliyeed, ayaa waxaa lagu macneeyaa mid ka dhalatay amaba u sabab ah qabyaaladda, Somaliduna  waxay ku maah-maahdaa (Qabiilku ma xuma ee qabyaaladaa xun).

In qofka uu guuleysto ama uu guul dareysto kuma xirna waxa uu yahay iyo halka uu ka soo jeeda kaliya waxaa la eegaa guusha weyn ee uu qofka gaaray iyo judiga uu ku bixiyay.

Tusaale waxaa kuugu filan midib takoorkii ka jiray Koofur Africa oo caddaanku ahaayeen kuwo aad loo ixtiraamo sidoo kalena awood badan ku lahaa dalkaasi, balse hadda waxaa kajira nidaam ka duwan midkaas oo ku yimid dhiobaato badan oo uu maray Nelson Mandela madaxweynihii hore ee dalka Koofur Africa, madowga iyo cadaanka waa isku xuquuq iyo isku awood xiligan dalka Koofur Africa.

Maxey diintu ka qabtaa Takoorka ama Heybsooc:

Nabigeena Maxamed (N.N.K.H  waxaa laga soo wariyay  “Kiina idinku cabsi badan ayaa alle aktiisa ugu karaamo badan, qof Carab ah kama fadli badna qof ajnabi ah, qof ajnabi ahna kama fadli badna qof carab ah”….

Sida diinta suuban ayna fareyso ma jiro qof ka wanaagsan qof kale marka laga reebo cabsida alle, waxaa kaloo diintu na fartay in qofka   aad la jeclaato wixii aad adigu jeceshahay, sidaas darteed malahan mar jac iyo meel lagu sheegay in dadka kala wanaagsan yihiin.

Sidee looga hortagi karaa Heybsooca iyo Takoorka.

Soomaalidu waa dad kawada siman afar waxyaabood oo waa weyn oo kala ah: Diin, Af, dhaqan iyo midib, waa dad wada shaqeysta oo wax wada barta sidoo kalena saaxiibo ah.

Waxaase dhibaatada ugu weyn ka taagan tahay guurka oo waxaa jira faquuq iyo takoor soo jireen ah, waxaana looga gudbi karaa in marka hore dadku isku imaadaan oo iska dhaadhacsiiyaan iney dhamaantood iskumid yihiim amaba la sameeyo wacyi gelin nuucaas ah oo dadka la isugu soo dhaweynayo waana in la soo saaro, ama in  ay sharci qaran la timaado dowladda Soomaaliya oo cadeynaya in  dadka wada noolaansho loo abuuro.

Baarlamaanka Federalka Soomaaliya wuu ka hadlay kaliya arrintii foosha xumeyd ee ka dhacday Muqdisho 20-kii September ee lagu gubay muwaadinka Soomaaliyeed taa oo ka dhalatay caro dadweyne.

Xildhibanada golaha shacabka waa in ay arrintan ka soo saaraan sharci adag iyo xeer qaran kaa oo suurta gelin kara in la ciqaabo qofkii lagu helo falal la xiriira heybsooc ama takoor, waxaana sahal noqoneysa in la afjaro dhaqankan dunidu ka gudubtay ee bulshada Soomaaliyeed  ku danbeeya.

Bandhiga Media 2018

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.