Madaxweyne Farmaajo oo ku farxay hannaanka maaliyadda ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aad ugu farxay sida xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ay u hagaajisay hanaanka maaliyadda dalka iyo soo celinta kalsoonidii luntay ee Beesha Caalamka.

Qorshaha iskaashiga wada jirka ah ee Soomaaliya iyo Golaha Bangiga Adduunka ee (2019-2022) oo ah mid si wanaagsan ku socda ayaa madaxweynaha waxa uu sheegay in uu ka tarjumayo horumarka dalka iyo dib-u-habeeynta laamaha maaliyadda, kobcinta dhaqaalaha iyo sare u qaadista ilaha dakhliga dalka.

“Barnaamijyada ay ansixiyeen Golaha Bangiga Adduunka ee ku saabsan maalgelinta adeegyada asaasiga ah, dhammaystirka dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo kor u qaadista fursadaha shaqo waxa ay dhiirrigelin u yihiin qorsheyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay higsanayso.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Hadalka Madaxweynaha ayaa laga dheehan karaa in wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle inuu bnshaqo adag ka qabtay wasaaradda waxaana madaxweyne Farmaajo uu Golaha Maamulka ee Bangiga Adduunka (WBG) iyo Hay’adda lacagta (IMF) kaga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen Dowladda Federalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo shalay ka soobaxay Bankiga Adduunka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya la amaahinayo  $ 80 milyan oo deyn ah si loogu maal-galiyo dib-u-habayn maaliyadeed oo ay wado Xukuumadda.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.