Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday daawada mid kamid ah cudurada Soomaalida ku dhaca

Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Soomaaliya oo ka hadashay dhibaatada uu leeyahay Cudurka Tiibishada oo kamid ah cudurada ku dhaca dadka Soomaaliyeed ayaa waxa ay soo saartay go’aan dalka looga mamnuucayo daawadiisa.

Marwo Fawsiyo Abuukar Nuur oo ah wasiirka caafimaadka xukuumadda Federalka Soomaaliya oo warbaahinta la hadashay ayaa waxa ay sheegtay in cudurka uu ugu sii daro  daawooyinka laga ganacsado ee TP-da  oo sahleysa in bulshada ku dhex faafo, islamarkaana ay adkaato daweynta dadka uu soo ritay cudurkan

Sidii cudurkaasi loo xakameyn lahaa ayaa waxa ay sheegtay wasiiradda in Dowladda Soomaaliya ay mamnuucday ka ganacsiga daawada cudurka TP-da.

Cudurka Qaaxada ayaa kamid ah  cudurada ugu waxaana wasiirad Fowsiyo ay xustay in daawo lacag la aan ah ay siineyso dowladda dadka cudurkan qaba ee Soomaaliyeed, waxeyna carabka ku dhufatay in ay jiraan daawooyin aan sax aheyn oo dalka soo gala.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.