Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal hambalyo ah u diray Barham Salih

Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee dalka Ciraaq Barham Salih oo baarlamaanka dalkaasi doorteen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay Barham in Allah xilkiisa u fududeeyo, iyo in ay mahadiyaan shacabka reer Ciraaq

Madaxweynaha Cusub ee Dalka Ciraaq Barham Saalah, ayaa ah siyaasi caan ka ah Dalkaas, isla markaana ka tirsan Xisbiga Kurdida ee [Patriotic Union of Kurdistan], waxanay xildhibaannada Ciraaq oo ka kooban 329 xubnood, 220 ka mid ah codkooda siiyeen hoggaamiyaha cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.