Madaxda Maamul goboleedyada dalka oo ku shirsan Nairobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa shalay, xalay iyo maantaba si isdaba jooga ah uga soconaya shirar looga soo horjeedo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaasi oo ay leeyihiin qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka iyo siyaasiyiin kale.

Dhamaan madaxda maamul goboleedya dalka ayaa isugu tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaa oo ay kaga shirayaan khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federalka Soomaaliya.

Waxaa shirkaasi kamaqan oo wali aan gaarin madaxweynaha Hirshabelle oo mooshin laga gudbiyay xalay, waxaana warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in xubno katirsan Beesha Caalamka in ay wada kulmeen.

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa doonaya in khilaafkooda ay xaliyaan wadamada Beesha Caalamka kuwaa oo dowladda Soomaaliya ay ka hortimid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.