Go’aanka Duqa Muqdisho ee lagu mamnuucay Mooto Bajaajta?

Kumanaan dhalinayro ah ayaa kaxeysa mootooyinka loo yaqaano Bajaajta ee ka shaqeeya gudaha dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana ay ka soo saartaan nolol maalmeedkooda iyo tan qoyskooda.

Dadweynaha ayaa aad u isticmaalo Mootooyinkan, waxaana ay fududeysaa isu socdka dadka iyo danahooda kala duwan.

Waxaa aad u yaraatay dhalinyaradii badneed ee dalka ka tahriibi jirtay markii ay heleen suuqa Mootooyinka oo shaqo abuuris u noqotay, xitaa waxaa meesha kabaxday dhalinyo ku biirio lahaa waxyaabo liddi ku ah arrimaha Bulshada kuwaa oo ka shaqeysta Mootooyinka.

Waxaa sidoo kale aan meesha ka marneyn dhibaatoyin kala duwan oo Mootooyinka lagu qabo, sida in dadka lagu dhaca ilamaha yaryarna lagu afduubto, waxaana geesta kooxo hubeyan oo mootooyin wata.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa shalay soo saaray wareegto uu ku mamnuucayo in Muqdisho ay soo gasho mooto Bajaajta Dekadda iyo dhulkaba, waxaana meeshaas kabaxday rajo ay qabeen dhalinyaro badan oo doonayay iney Mooto iibsadaan.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisoow waxaa amarkiisa laga fahmi karaa kaliya in uu fiiriyay dhibaatada lagu qabo ee amniga iyo sawaxanka magaalada laakiin dowladda ma aysan herglin qorshe cusub oo dhalinyarada shaqo ka dhigtaan.

Waxaa Soomaalida ay u badantahay dhalinyaro kuwaa oo shaqo la’aan baahsan ay ku heesato deegaanada ay ku noolyihiin.

Waxaa isweydiin mudan fursadda dowladda ay ka hor istaagtay dhalinyarada maxey ugu badali weysay mid lamid ah amaba u dhiganta.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.