Dowladda Soomaaliya oo Malaayiin doller loogu deeqay

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa loogu deeqay lacag dhan 100 Million oo Dollar oo Jarmalku siinayo Soomaaliya.

Deeqdan lacageed ayaa ujeedkeedu yahay sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa kaaba yaasha dhaqalaha iyo dib u dhiska hay’adaha dalka sida ay sheegtay Safiiradda cusub ee Jarmalka u soo magacawaday Soomaaliya Annette Gunthe .

Munaasabadda heshiiskan waxaa ka qeyb galay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha golaha shacabka, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, wasiiro, xildhibaano, diblomasiyiin iyo xubno kale.

Heshiis ku saabsan deeqdaas ayaa waxaa qalinka ku duugay Safiiradda cusub ee Jarmalka u soo magacawaday Soomaaliya Annette Gunthe iyo Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya  Axmed Ciise Cawad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.