Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Maxamed Bin Salmaan oo kulan yeeshay

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khaye, oo Sacuudiga booqasho rasmi ah ku joogo ayaa la kulmay Mohammed bin Salman bin Abdulaziz dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya,

Danaha labada qaran ee Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa kulanka looga hadlay waxaana dhaxal sugaha sucuudiga uu bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay maamul wanaagga, Siyaasadda, dhaqaaalaha iyo amniga, waxa uuna ballan qaaday in Sucuudigu ay sii wadayaan taageerrida dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sacuudiga ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya ka teegeera dhanka dhaqaalaha iyo mashaariicda waxaana xiriirka labada dal uu mugdi galay markii Soomaaliya ay go’aan dhex dhaxaadnimo ka qaadatay dowladda Qatar oo ay xeriirka u jareen dalalka Khaleej-ka iyo sacuudiga.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.