Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Marka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Marka oo dhacda gobalka Shabeelaha Hoose waxaana halkaasi uu kula kulmi doonaa ciidamada xoogga dalka ee ku sugan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Booqashada madaxweynaha ayaa ku soo aadeysa xili maanta ay ku beegantahay markii shacab badan oo Soomaaliyeed lagu dilay qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe, waxaana Madaxweynaha uu waqti la qaadan doona Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ah dhallinyaro ka jawaabay baaqii Madaxweynaha ee Xasuuqii Al Shabaab ay ka geysteen Soobe.

Magaalada Marka waxaa ka socda howlgallo ay wadaan ciidanka xoogga dalka sidoo kale waxaa dhawaan  magaaladasi lagu heshiisiiyay beelo Soomaaliyeed oo muddo dirir sanaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.