Gabdho isla dhashay oo meydkooda laga helay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen waalidiinta dhashay Laba gabdhood oo Soomaaliyeed oo la la’aa ilaa habeenkii Jimcaha oo Sabtida soo galeysay ayaa xalay meydadkooda waxaa laga helay Haro ku taalla duleedka magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Geerida gabdhahan ayaa timid kadib markii gaari ay wateen uu ka dhacay Haro ku taalla duleedka magaalada Minneapolis, iyada oo si deg deg ah aysan u helin gargaarkii loogu tala galay.

Labada Gabdhood ayaa isku qoys ahaa waxaana  lagu kala magacaabaa Zeynab Cabdalla iyo Xafso Cabdi, si dhab ah looma oga sababta ka dambeysay in gaarigooda uu ku dhaco halkaasi.

Ciidamada booliska oo Baaritaano dheer sameeyay  ayaa waxa ay ku guuleysteen inay soo saaraan meydadka labada gabdhood oo 19 sano jir ahaa iyo gaarigii ay wateen, waxaana arrintan aad kaga murugooday Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.