Ciidamada Xoogga iyo kuwa Itoobiya oo ka baxay Deynuunay

Wararka laga helayo Deegaanka Daynuunay oo dhaca duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in  degaankaas ay la wareegeen dagaalamayaasha  ka tirsan Al-shabaab,kadib markii halkaasi ay isaga baxeen  ciidamada xoogga iyo kuwa itoobiya.

Ma jirin wax dagaal ah oo ka dhacay Deegaanka Deynuuney ee Gobalka Bay, iyadoona Al-shabaab halkaasi si caadi ah ay ula wareegeen.

Dadka Deegaanka ayaa ka cabsi qaba in Al-Shabaab iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku dagaalamaan deegaanka Deynuunay ee Gobalka Bay.

Deegaanka Deynuunay ayaa saakay waxaa maamulaya dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.